Somalia

Amaano Quran Online oo fursad qaaliya u haysa qurbajoogta somaliyed iyo caruurtooda meel walba oo ay joogaan

Somaliland Today - 2 ore 44 min fa

Amaano Quran Online waa dugsi quraan online ah oo loogu talo galay qurbajoogta soomaaliyeed iyo caruurtooda , meelkasta oo ay kaga nool yihiin adduunka .

Dugsiga waxa wax ka baran kara Caruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Dugsigu waxa uu fursado gaar ah u hayaa waalidiinta qurbaha kunool , iyadoo laga caawinayo waxbarashada iyo tarbiyadda ubadka.

 Dugsigu waxa uu kuu diyaariyay macalimiin rag iyo haweenba leh oo aqoon buuxda u leh casharada ay bixinayaan .

 Manhaj tayo leh oo u gaar ah dugsiga.

 Duruustu waxay ku baxayan afsoomaali , sido kale waxa jira qayb ku baxda English – to – English oo loogu talo caruurta aan fahmaynin af-somaliga .

 Wakhtiga xiisadda loo galayo ardayga ayaa dooranaya .

Koorsoyinka dugsiga lagu barto waxa kamid ah : –

1) Quraanka kariimka ah
2) Higaadda
3) Carabida
4) Xadiithka
5) Caqiiqda islaamka
6) Fiqhiga
7) Siirada nabiga صلى الله عليه وسلم
8) Tarbiyadda caruurta
9) Baridda caruurta ( Salaadda iyo axkaamta islaamka)
10) Tafsiirka iyo tajwiidka quraanka
11) Barashada Afsoomaaliga ( Afka hooyo)
12) Muxaadaraat iyo wacdi joogto ah

Hadda la xiriir maamulka oo is dinwaangali :
Whatsapp: +252634484123
IMO: +252634484123
Viber: +252634484123
Telegram: +252634484123
Skype: Amaano Quran Online
Gmail: [email protected]
Booqo webiste ka dugsiga :
www.amaanoquranonline.com

Categorie: Somalia

Maxay Jabuuti Uga Werweraysaa Horumarka Dekeda Berbera

Somaliland Today - 5 ore 34 min fa

(SLT-Hargeysa) Dawladda Jabuuti waxay ka walaacsan tahay koritaanka Dekedda Somaliland ee Berbera inkasta oo madaxweyne Geelle uu sheegay in aan loogu hanjabin waxyaabaha soo kordha.

Waraysi uu todobaadkii hore uu siiyey The African Report, waxa uu dhirbaaxay shirkadda DP World, wuxuuna diiday in ay horumarinayso dekedda Berbera. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku sheegay shirkadda qaabilsan horumarinta badaha ee fadhigeedu yahay Dubai mid abuuraysa wax aan jirin laakiin wax yar ay ka muujineyso shaqadeeda.

Markii la weydiiyay in DP World oo si ballaadhan u horumarinaysa Dekedda Berbera ay khatar weyn ku hayso dekedda Djibouti, wuxuu Geelle yidhi: “Si ballaadhan? Ma maqal wax horumarin ah illaa hadda, oo aan ka ahayn soo jeedinta mashruuca. DP World waxay ku fiican tahay abuurista, laakiin, ugu dambeynta waxba ma dhacaan. Xitaa kuma arkaysid wish la taagay. Waan soo ogaanay”.

Si kastaba ha noqotee, wararku waxay tilmaameen in dekedda Berbera, markii la dhammaystiro loo tartami doono qayb ballaadhan oo ganacsi badeed oo ka socda Badda Cas oo ay hadda ku badan tahay Djibouti

Ma jiro wax jacayl ah oo u dhexeeya dawladda Djibouti iyo DP World oo ku loolamaya dagaal sharci ah ka dib markii hoggaanka Geelle uu meesha ka saaray qandaraaskii ay kula jireen DP World ee ahaa inay maamusho Terminal-ka Doraleh Terminal (DCT) bishii Febraayo 2018, ka dib khilaaf u dhex maray labada dhinac. DP World waxay ku tilmaamtay tallaabadaas mid sharci darro ah oo lagula kacay waxaanay dacwad ka furatay Maxkamad caalami ah waxaanay ku guuleysatay kiiska.

Hawlwadeenada Dubai waxay ku doodayeen in dawlada Jabuuti siiso $ 485m maadaama si sharci daro ah looga qaaday Qandaraaska.

Kobaca dekedda Berbera ayaa la sheegayaa inuu Jabuuti madax xannuun ku keenayo maadaama ay noqonayso bedel kale oo shidaal iyo ganacsiba ku soo kordhin kara kanaalka Suez.

Sida laga soo xigtay Guuleed Axmed, oo ah Aqoonyahan aan deganayn oo ka tirsan MEI, khabiir ku takhasusay tamarta iyo kaabayaasha biyaha, iyo ganacsade, Berbera iyo Saylac, oo ka mid ah magaalooyinka ganacsiga qadiimiga ah ee Geeska Afrika, ayaa in badan soo jiitay xiisaha quwadaha adduunka sababta oo ah waxay ku yaaliin meel istiraatiiji ah oo u dhow marinka Bab el-Mandeb ee isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Goobtani waxay ka dhigaysaa dekedaha xeebaha Somaliland inay ka mid yihiin hantida ma guurtada ah ee ugu qiimaha badan mandaqadda isla markaana beddel u ah Jabuuti oo ay kaalin muhiim ah kaga jirto dhinacyada ganacsiga, horumarka, tamarta, iyo nabadgelyada biyaha ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Axmed oo sii wada hadalkiisa waxa uu sheegay inay jiraan walaac laga qabo mustaqbalka dekedda Jabuuti, oo IMF ay ku tilmaamtay ‘halista sare ee deynta cakiran,’ oo loo barbardhigi karo Dekedda Sri Lankan ee Hambantota oo lagu dhisay maalgelinta Shiinaha isla markaana ay Beijing gacanta ku dhigtay kadib xukuumada Colombo. ku guuldaraysatay inay fuliso waajibaadkeeda deynta. Laga soo bilaabo 2018, waxaa lagu qiyaasay in Jabuuti ugu yaraan $ 1.2 bilyan uu ku leeyahay Shiinuhu.

Dalka halka xisbi ka kooban intii uu madaxweynaha ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle, waxa bilowday barnaajimka horumarinta kabayaasha dhaqaalaha oo lagu maal geliyey $ 12.4, lacagtan badankeeduna waxay ahayd amaah ka timid Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta Shiinaha.

Sidaa awgeed Shiinuhu saamiyo waaweyn ayuu ka qaatay qaybo ka mid ah mashaariicdaas. Madaxweyne Geelle mar la weydiiyey Daynta Shiinuhu ku leeyahay waxa uu tilmaamay in ay aad uga yar tahay inta lagu sheego, waxa uu ku sheegay in ay tahay 450 Milyan, marka loo eego Itoobiya 16bn iyo Kenya 20bn oo Dollar.

Xigasho: Busiweek
Waxaa Turjumay Xasan Xuseen

Categorie: Somalia

Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Ceyrisay Diblomaasiyiinta Dalka South Sudan

Somaliland Today - 5 ore 50 min fa

(SLT-Juba)-Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka ceydhisay diblomaasiyiinta South Sudan, sida ay ku warantay jariiradda afka dheer ee ka soo baxda Magaalada Juba ee Sudanpost.

Dowladda Itoobiya ayaa Axadii 72 saacadood u qabatay inay dalkeeda kaga baxaan diblomaasiyiinta South Sudan, ee dalkaasi ku sugan.

“Waxaa nala siiyay 72 saacadood oo aan kaga baxeyno dalka. Go’aankaas waxaa nalagu soo gaadhsiiyay warqad ay soo saartay Hay’adda Nabad Sugidda ee Itoobiya, waxayna noo sheegeen in aanan halkan nalaga rabin, illaa amar dambe.” Sidaasi waxaa yidhi diblomaasi aan magaciisa la xusin.

Ma cadda sababta ay Itoobiya u eriday diblomaasiyiintaasi, balse waxaa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Hoggaamiyaha Gobolka Tigreyga, Debretsion Gebremichael uu ku sugan yahay Magaalada Juba.

Warar kalana waxay sheegayan in Hoggaamiyaha Tigreyga uu  Magaalada Juba kula kulmay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al Sisi oo Sabtidii booqasho ku tagay dalkasi. Booqashada Madaxweyne Sisi waa middii ugu horreysay ee ebid uu ku taggo dalkaasi.

Safiirka Itoobiya ee uu fadhiya dalka Koonfurta Sudan, Fisseha Shawl ayaa isna Sabtidii ka tagay Magaalada Juba, iyadoo loo maleynayo inuu ku qaadacayo jooggitaanka Debretsion Gebremichael ee Caasimadda Juba.

Categorie: Somalia

Canada Oo Mamnuucday In Dawooyin Loo Dhoofiyo Maraykanka

Somaliland Today - 5 ore 58 min fa

(SLT-Washington)-Canada ayaa mamnuucday in dawooyinka qaarkood loo dhoofiyo Maraykanka, si aanay u dhicin inay dalka gababaabsi ku noqdaan.

Go’aankan ayaa lagaga falcelinayaa qorshe Maraykanku ku doonayo in dawooyin jaban laga soo waaridi karo Canada si ay ugu suurto gasho in ay sicir jaban ku heli karaan shacabka Maraykanku.

In kasta oo qiimaha dawooyinka ee Canada uu ka qaalisan yahay dalalka kale qaarkood, ayaa hadana ay aad uga jaban yahay qiimaha Maraykanka gudihiisa.

Shirkadaha dawooyinka ee Canada qaar ka mid ah ayaa ka digay qorshahaa Madaxweyne Trump, waxaanay sheegeen in arintaasi keeni doonto in dalka dawooyinku suququl ku noqdaan.

Safmarka jira ayaa marka horeba kordhiyey baahida loo qabo dawooyinka qaarkood sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbxin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Canada ayaa lagu sheegay in dalku dawooyinka uu u baahan yahay 68% dibadda looga soo dhoofiyo sidaa awgeedna ay muhiim tahay in laga foojignaado in kala go’ iyo gabaabsi dhaco.

“Shirkadaha waxa waajib ku noqon doonta in ay ka war bixiyaan hadii ay gabaabsi noqdaan dawooyinku ama ay jirto cabsi ay ka qabaan in arintaasi dhici karto waana in ay ku soo sheegaan 24 saacadood gudahood hadii ay dareemaan in halis dawo la’aan ahi soo fool leedahay” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Trump ayaa saxeexay qaraar madaxweyne bishii Juulaay kaas oo si sharci ah u fasaxaya in Canada dalkiisa looga soo waaridi karo dawooyin jaban.

Bil ka dib ayaa ra’isal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, sheegay in uu u heelan yahay in la caawiyo dalalka kale oo loo dhoofiyo intii suurto gal ah dawooyinka, laakiin mudnaantiisa koobaad tahay in la daryeelo shacabka Canada.

Shirkadaha dawooyinka sameeya ayey aad u dhaleecaynayeen siyaasiyiinta Maraykana oo uu ka mid yihan Trump, waxaana sidoo kale dhaliilay shirkadaha caymiska iyo ururada u dooda xuquuqda dadka bukaanka ah oo dhamaantood ku dhaliilay in ay aad kor ugu qaadaan qiimaha dawooyinka.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa isna hore carrabka ugu dhuftay suurto galnimada ah in dawooyin jaban dalka loo soo waarido.

Categorie: Somalia

Sucuudiga Oo Xidhxidhay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga

Somaliland Today - 6 ore 5 min fa

(SLT-Riyadh)-Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu hayo musuqmaasuq ka dhacay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas oo lacagta la lunsaday lagu qiyaasay 325 milyan oo doollar.

Wakaaladda ka hortagga musuqmaasuqa dalkaas ayaa sheegtay in dadka baadhitaanka lagu hayo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo ganacsato.

Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baadhitaannada musuqmaasuqa ee la wado ay ka mid yihiin eedo lagu soo oogay shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baadhay lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo musuqmaasuqa ka wado dalkaas oo arintaasina tahay mid uu muhiimadda koobaad siinayo.

Sannadkii 2017 ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato ba lagu xidhay hudheelk ku yaal magaalada Riyadh si loogu qasbo in ay lacag malaayiin doolar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda iyo dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalkaas Sucuudiga.

Waxa ay xukuumaddu qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, waxaana ka mid ah in xukuumaddu saddex laabto cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan, talaabadaas oo qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu badhi taro dhaqaalaha dalka ee coronavirus-ku dhaawacay.

Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dawladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay safmarkan awgii, dhaqaalihiisu dhulka galay.

Boqortooyadu waxay markii ugu horraysay cashuurka iibka dalka ku soo rogtay laba sano ka hor taas oo ujeedadu ahayd in ay yarayso xaddiga dhaqaalaheeda ee ku tiirsanaanta saliidda.

Wakaaladda wararka dawladda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in qiimaha cashuurta iibka oo markii hore ahaa 5% haatan laga dhigay 15 % laga bilaabo 1 bisha Juulaay ee soo socota, iyo in sidoo kale la joojin doono gunnada machiisadda 1 Juun.

Gunnada maciishadda ee shaqaalaha la siin jiray waxay ahayd 1,000 Riyaal oo u dhiganta 267 doolar bishii, taas oo loo bilaabay sannadkii 2018 si looga kabo culayska cashuurta iibka ee markaa lagu soo rogay dalka iyo sicirka shidaalka oo kacay.

“Go’aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalka mustaqbalka dheer…. Isla markaana looga gudbo duruufahan lama aragga ah ee coronavirus oo saamayntiisa loo xadidi karo” ayuu warbixin uu soo saaray ku yidhi wasiirka maaaliyadda Maxamed Al-Jadcaan.

Shaacinta arintani waxay soo baxday iyada oo kharashaadka dawladda ee boqortooyadu gaadhay in miisaaniyaddeeda lagu kabo amaah dhan 9 bilyan oo doolar saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan.

Waxaana sababay hoos u dhaca sicirka saliidda mudadaas saddexda bilood ah oo sababay in dakhliga dawladdu uu hoos u dhaco 34 bilyan oo doolar, oo wadarta dakhliga dawladda ka ah 22%.

Sidoo kale bankiga dhexe ee Sucuudiga ayaa sheegay in uu is dhimay kaydkii dalka ee lacagta qalaad bishii Maarijk oo uu gaadhay xaddigii ugu hooseeyey tan iyo sannadkii 2011.

Talaabooyinka lagaga hortagayo coronavirus saamayntiisa ayaa sidoo kale la filayaa in turunturreeyaan isbedallada dhaqaale ee dhaxal sugaha taajka borotooyada, Maxamed Bin Salmaan, bilaabay.

Kal hore ayaa Sucuudigu saamiyo uu ka iibiyey shirkadda shidaalka ee dawladdu leedahay ee Aramco wax aka soo galay 25.6 bilyan oo doolar.

Iibinta saamiyadaasi waxay hal-bowle u ahayd qorshaha Maxamed Bin Salmaan ku doonayo in uu casriyeeyey dhaqaalaha dalka oo uu yareeyo ku tiirsanaantiisa dakhliga saliidda oo keli ah.

Categorie: Somalia