Traduci pagina

English French German Italian Portuguese Russian Spanish

Somalia

Mashruuc Madaxbanaanida Somaliland Khatar Ku Ah, Xogta Muwaadiniinta Reer Somaliland Laga Ururiyo Waxa Loo Diraa Xamar

Somaliland Today - Sab, 02/07/2022 - 10:15am

Somali Integrated household budget survey (SISEPCP) wuxuu ku hoos jiraa mashruuca weyn ee Somali integrated statistics and economic capacity building project (SISEPCBP) oo ka kooban tayeynta iyo horumarinta haayada staatistikada soomaaliya, waaxaha dowlad goboleedada, iyo cilmibaadhista dhaqaalaha iskudhafan ee qoysaska soomaaliyeed. Mashruuca waxaa maalgeliyey World bank waxaana fulinaysa haayada staatistikada Soomaaliya (Somalia national bureau of statistics).

Mashruucan wuxuu kamid yahay mashaariic ay kala saxeexdeen World bank oo soo dhexmariyey( IDA) iyo dowlada federaalka ah ee Somalia ayna kala saxeexdeen wasiirka Maaliyada Beyle iyo Camille Niamale(IDA).

Mashruucan waxa ku baxaya $18.3 Million USD oo si toos ah ugu imanaya World bank ayna maamulasyo Haayada staatistikada Somalia. Mashruuca waxaa la kala saxeexday 9, July, 2020.

Mashruucan waxa laga daahfuray Muqdisho 5 October, 2021 waxaana furay agaasimaha haayada istaatistikada soomaaliya. Waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada wasaaradaha qorshaynta ee dowlad goboleedada iyo kooxda mashruuca la shaqaynaysa oo ka socda World bank.

Mashruucan oo ujeedkiisu yahay ururinta xogta guryaha Somalia wuxuu xooga saarayaa helista ilaha dhaqaale ee qoyska, sida ay u isticmaalaan dhaqaalahooda, tirada ku nool guri kasta, caqabadaha/fursadaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhamaan xogaha ku saabsan qoyska. Mashruucan waxa laga fulinayaa 18kii gobol ee Somalia, dhamaan xogta ay ururiyaan shaqaalaha la qaatay waxay toos ugu dhacaysaa xog-kaydiyaha (server) Muqdisho yaala oo ay leedahay haayada istaatistikada Soomaaliya.

Mashruucan waxa Somaliland 12kii, May, 2022 ku dhawaaqay inuu dalka ka bilaabmayo wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo haayada fulinaysa ee Horn of Africa consulting firm (HACOF) oo dhanka Somaliland ay u wakiilatay/dhexmartay haayada istaatistikada soomaaliya. 12 May dhawaaqista mashruuca waxa dhamaaday tijaabadii qalabka, soo ururinta xogta iyo (Piloting) oo laga sameeyey koonayaasha caasimada.

HACOF oo mashruucan ka fulinaysa Somaliland waxa soo dhexmartay haayada istaatistikada Soomaaliya waa haayad xog baadhiseed (research) waxa la aasaasay sanadkii 2012 waxayna ka diiwaangashantahay Somalia iyo Kenya. Waxayna xafiisyo ku leedahay Muqdisho, Dhusamareeb, Garowe, Baydhabo, Kismaanyo, Hargeisa, iyo Nairobi sida aad tixraaca sawirada ku arki kartaan. Xafiiskani wax shaqo macno leh ah hore ugama qaban Somaliland, waxaana dhanka Somaliland madax ka ah qof shaqaale dowladeed ah.

Shaqaalaha mashruuca fulinaya oo  dhan 82 ( sida lagu sheegay boga wasaarada qorshaynta) waxa lagu xayaysiiyey June, 2021 boga Somali Jobs tiro dhan 100 qof oo ka kooban ( Enumerators and supervisors ) waxaana shaacisay haayada HACUF dhamaantoodna waxa laga qaatay gobolka Maroodijeex waxayna xog ururinta ka fulinayaan dalka oodhan. Shaqaalaha mashruucan cilmibaadhista fulinaya ee laga qaatay Maroodijeex waxa tababaray shaqaale ka tirsan Haayada istaatistikada soomaaliya.

Mashruucan oo dowlada Somaliland hore u diiday wakhtigii (Gaafaadhi ahaa wasiirka qorsheynta ) waxa ogolaaday wasiirka iminka xafiiska jooga ee Cumar oo lagu xasuusto wakhtigii uu ahaa wasiirka caafimaadka eedaymihii maamul xumo maaliyadeed ee loo jeediyey sida dhaqaalihii Covid-19.

Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Muuse waxay laabtay qorshaha xukuumadihii ka horeeyey ee ahaa deeqda caalamku siiyo Somalia in qaybteena gaar la inoo siiyo ama inay inaga maqnaadaan. Xukuumadu waxay qaadatay aragti ah inay maalin iyo habeenba warbaahinta ka dhaliisho Somalia laakiin mashaariicda lacagtu ku jirto ay ogolaato inay sida maamul goboleedada u qaadato shacabkana eedayn been ah oo Somalia loo jeediyo iskaga jeediso.

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa inaynu Somalia kala heshiino soo celinta heshiiskii ( Somaliland special arrangement act ) ee deeqaha Somalia la siiyo sideena u maamulanaynay ama in xukuumada Kulmiye shacabka beenta ka deyso oo u sheegno inay ogolaatay maamul goboleedka lixaad ee Somalia.

W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

Categorie: Somalia

Puntland Oo Xal U Heshay Shidaal La’aantii Ka Jirtay Deegaanadeeda

Somaliland Today - Sab, 02/07/2022 - 8:58am

(SLT-Boosaaso)-Puntland ayaa xal u heshay shidaal la’aan muddooyinkii lasoo dhaafay ka jirtay deegaanada maamulkaasi, waxayna soo iibsatay markab weyn oo sida shidaal badan.

Markabka oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa xeebaha Puntland ayaa xalay kusoo xidhay dekedda Boosaaso, iyadoo halkaas ay buux dhaafiyeen booyadaha shidaalka.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana shidaalka iska leh ganacsato reer Puntland ah oo soo rartay.

Sawirro laga soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa la arkayaa gaadiidka shidaalka oo isaga kala gooshaya halkaasi, waxayna bilaabeen in magaalooyinka kale u daabulaan shidaalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka bedasho shidaal yarida ka taagan deegaanada Puntland, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sarreysay gaadhay.

Si kastaba, shidaalkla dunida ayaa sare u kacay, kadib duulaankii uu Ruushka ka qaaday dalka Ukraine, waxaana saameynta ugu badan dagaalkaas ka dhexlay dalalka Afrika.

Categorie: Somalia

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Saaka Kulan La Qaatay Ergada Dhexdhexaadinaya Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ah.

Somaliland Today - Sab, 02/07/2022 - 8:42am

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa saaka xafiiskiisa kulan kula qaatay ergada isku dhafka ah ee Golaha Guurtida iyo Madaxdhaqameedka Somaliland, kuwaasoo dhexdhexaadinaya Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah.

Categorie: Somalia

Tiktok Oo Halis Ugu Jirta Inay Suuqa Ka Baxdo Kadib Markii Dawladda Mareykanku Ku Amray Shirkadaha Google Iyo Apple Inay Hawada Ka Saaraan

Somaliland Today - Gio, 30/06/2022 - 6:40pm

(SLT-Washington)-Guddomiyaha guddiga Isgaadhsiinta ee dalka Mareykanka ayaa ku amray shirkadaha Google iyo Apple inay aalada TikTok hawadooda ka saaraan sababo la xidhiidha amniga awgeed.

Amarkaan ayaa dhigaya in shirkadaha Google iyo Apple ugu dambeyn ay 8-da July ee sannadkaan fuliyaan, taasi oo horseed u noqoneysa hoos u dhac weyn oo ku yimaada TikTok oo xiligan haysta Balaayiin dad ah.

Apple iyo Google ayaa illaa hadda wax jawaab aan kasoo saarin amarkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka, hase yeeshe warbixin ay soo saartay TikTok ayaa lagu sheegay in shirkadda ayna ka shaqeyn waxyaabo amniga halis ku ah.

“Sida shirkado badan oo caalami ah, TikTok waxay leedahay kooxo injineero ah oo adduunka ah, shirkadda waxay ilaalisaa xogta dadka isticmaala,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay isku difaaceyso.

Sidoo kale waxay shirkada TikTok ay ku tilmaamtay amarka uu dul dhigay Mareykanka shirkadaha Google iyo Apple ee ka dhanka ah in uu yahay marin habaabin aan sal iyo raad toona laheyn.

TikTok ayaa hore u waajaheysay xanibaadyo hor leh kadib markii ay waddamo badan ka mamnuuceen dalalkooda aalada TikTok, iyadoo la aaminsan yahay inay tahay qaab farsameysan oo xogta gaarka ah ah ee qofka (Personal Data) lagu ogaan karo.

Categorie: Somalia

Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Maxaa Lagaga Hadlay??

Somaliland Today - Gio, 30/06/2022 - 5:39pm

(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 94-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladda dalka iyo noloshada guud ee bulshada.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ahna guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha, Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa golaha uga warbixiyey kulamo maalmahanba u socda guddida dhaqaalaha oo wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee dalka, waxana uu sheegay inay guddi ahaan tallaabooyin badan oo la xidhiidha yaraynta sicir-bararka iyo la dagaallanka abaaraha hore u qaadeen,  islamarkaana ay kulamo badan la qaateen  madaxda shirkadaha korontada dhaliya iyo shirkadaha kale ee saamaynta ku leh waxyaabaha daruuriyaadka  u ah nolosha bulshada.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna golaha u sharraxay siyaasadda qaran ee diiwaanka sekeda oo maanta golaha loo qaybiyey, isaga oo ku dheeraaday sida ay siyaasaddani fure ugu tahay in dadka baahani ay helaan kaalmo joogto ah oo ay ku daboolaan baahiyahooda, loona midayn lahaa sekeda dalka oo dhan.

Intaas kaddib, goluhu waxa uu gudo galay dood iyo falanqayn uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaas oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, waxana uu tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer kaddib, qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meelmariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood.

Categorie: Somalia

Qaabkeed Wax U Dhegaysataa? Waa Warbixin Lagu Daabacay Wargeyska Harvard Business Review

Somaliland Today - Gio, 30/06/2022 - 9:38am

Qaabkeed Wax u Dhegaysataa?

Maamulaha wanaagsan wuu garanayaa in dhegaysigu muhiimyahay, oo uu dheef leeyahay; base dad kooban ayaa ka warqaba sida wanaagsan ee wax loo dhegaysto.

Bal yar dhugo wadasheekaysigan:

Shaqaale: Anigu waan ka werwersanahay soojeedintayda aan wax ka hor jeedinayo Kulanka Guddida.

Kormeere: Cajiib, si fiican baad wax u qabanaysaa. Aniga sannado ayay igu qaadan jirtay ka hor inta aanan waxba ka hor jeedin, oo waan iskudhexyaaci jiray.

Saaxiibkiisa Shaqada 1: Waxa aan u baahanahay dalxiis kooban.

Saaxiibkiisa Shaqada 2: Waa inaad buuraha tagtid, waxa aan soo laaban doonaa aniga oo soo qaatay dalxiiskii ugu wacnaa ee aan sannadahan galo. Warbixintana waan kuu soo diri.

Bukaan: Anigu waan ka cabsi qabaa habkan.

Daweeye: Dhakhtarkan ku dawaynayaa/ku qalayaa boqollaal qof ayuu adeeggan hore ugu qabtay. Heerka khatartuna aad ayuu u yaryahay.

Jawaabaha xagga sare ku xusan maaha kuwo xun, balse ma aha kuwo qofka hadlaya ee looga jawaabayaa uu kala kulmayo ama ka dhex arkayo baahidiisii, ama wixii isaga khuseeyay. Shaqaalahani waxa uu ka werwersanyahay kulanka uu la yeelanayo boodhka shirkaddiisa.

Tusaalayaashani waxa ay sharraxayeen muhiimadda ay leedahay hoggaamintu. Inteenna badan waynu luminnaa fursadda aynu wax ku dhegaysanno, oo waxaa innaga xumaada hababka aynu wax u dhegaysanno. Sida xirfadaha kale ee xidhiidhka dhegaysiga wanaagsan wuxuu ku xidhanyahay wacyiga loo leeyahay ujeeddada, caadooyinka aynu leennahay, iyo doorashadeenna aynu dooranno habka aynu uga jawaabcelinayno. Warka wanaagsani wuxuu yahay inaan dhaqangelinno inaan si wanaagsan wax u dhegaysanno.

Xirfadaha Dhegaysiga

In aad baratid sida wax loo dhegaystaa waxa ay ka bilaabantaa in aad fahantid nooca uu yahay dhegaysigaagu. Dadka ku takhasusay aqoontani waxa ay u qaybiyaan afar nooc oo dhegaysi ah:

– Dhegaysi Faallayneed: Dhegaysiga faallada ujeeddadiisu waxa weeyaan in la falanqeeyo dhibaatooyinka iyada oo laga bilaabayo meel dhexdhexaad ah.

– Dhegaysi Xaqiiq ah: Dhegaysiga xaqiiqda ah ujeeddadiisu waxa ay tahay in la dhiso xidhiidh, iyo in la fahmo farriimaha caaddifadeed ee qofka ka imanaya.

– Dhegaysi Naqdineed: Dhegaysiga naqdineed ujeeddadiisu waxa weeyaan in la xukumo qanaacada wadasheekaysiga iyo isku hallaynta qofka warramaya naf ahaantiisa.

– Dhegaysiga Xoogga la Saarayo Hawsha: Dhegaysigani wuxuu qaabeeya wadasheekaysiga ku wajahan in xog muhiim ah oo filnaansho ah la isku gudbiyo.

In la horumariyo awoodda beddelidda ee keenta horumarku adiga oo raacaya hababkan, waxa ay kugu sababi kartaa inaad samaysid wadasheekaysi saamayn leh, adiga oo isku beegaya qofka hadlaya baahidiisa, taasi oo weliba ku habboon qaababka dhegaysiga. Tanina waa tallaabada koowaad ee aad ku horumarin kartid dhegaysigaaga.

4 Hab oo aad Xirfaddaada Dhegaysiga ku Horumarin kartid

In aad noqotid dhegayste wanaagsan macnaheedu kaliya maaha in aad fahantid sida aad wax u dhegaysatid, waxayna kaaga baahantahay inaad tallaabooyin kale qaaddid. Halkan waxa aan ku xusi doonnaa afar tallaabo oo muhiima oo kaa caawin kara in aad xirfaddaada dhegaysiga horumarisid:

1- Garo ujeeddada aad wax u dhegaysanaysid

Waxa jira sababo badan oo aynu u dhegaysanno habka aynu wax u qabanno, waxa ka mid ah: In aad noqotid qof hufan oo aad waxqabad leedahay, in aad iska ilaalisid khilaafka/qaska, in aad heshid dareen, si aad qof wax ugu taageertid, ama in aad dadka maddadaalisid. Marka aynu ujeeddooyinkan kala horraysiinno, waxa aynu u gudbi karnaa ujeeddooyinka kale ee wax loo dhegaysto.

2- Garo oo xaqiiqso sida aad inta badan wax u dhegaysatid

Habka aynu inta badan wax u dhegaysannaa waxa laga yaabaa inuu xumeeyo yoolasheenna. Waxa suurtagala inaan helno falcelinno togan haddii aynu si wanaagsan oo waxtar leh u dhegaysanno, ama kaftanno, ama si aftahannimo leh u hadalno ama si taageero ah u hadalno, balse habka aan fulin ee aan midhadhalka ahayn waxa laga yaabaa in loo isticmaalo si laga yaabo in ay ka hortagayso in la hawlgaliyo hababka kala duwan ee dhegaysiga si loo gaadho ujeeddooyin kale. Tusaale ahaan, haddii qofku uu cadaadis kala kulmo deegaanka ku hareeraysan inta badan waxa uu u baahanyahay inuu shaqo ku saleeyo, ama inuu si naqdin ah u dhegaysto si uu u sameeyo go’aan degdeg ah. Waxaa laga yaabaa in taasi shaqada waxtar u noqoto, ama inay dibudhac ku saamayso marka uu qofku u baahdo qoyska ama asxaabta, taasi oo laga yaabo inuu u baahanyahay go’aan taageere oo degdeg ah.

3- Ka warhay yaa diirad saaridda dareenka

Marka laga yimaaddo hababka dhegaysiga, hababka aynu nafaheenna ku qaabilayno waxa ka mid ah inaan qofka hadlaya dhegaysanno oo dareenkiisa uu innoogu sheekaynayo diiradda saarno. Waana inaan sooyaalkeenna shakhsiyadeed dhexgelinnaa oo ka dhignaa kuwo horusocod leh oo xidhiidh horusocodnimo dhisa, waana in la joojiyaa dhegaysiga dhammaan dadka kale farriimahooda.

Marka dhegaystuhu ka warqabo saamaynta ay leedahay joojinta iyo joogtayna faduulnimada ku saabsan qofka hadalaya farriintiisu waa suurtagal inaan faafinno waxa diiradda la saarayo iyada oo aan la luminayn qofka hadlaya farriintiisa.

4-Qofka wayddii: Miyuu jiraa shay I seegay?

Waxa laga yaabaa inay adkaato in la hubiyo ujeeddada wada sheekaysiga haddii qofka hadlaya oo ah qofka curinaya hadalku uuna garanayn waxa laga rejaynayo ee uu ku hadlayo. Madmadawga gala ujeeddada, waxyaabaha hubanti la’aanta ah ee ah wadaagidda waxyaabaha nuglaanshaha, dareennada aan la iska tijaabin, iyo cadaadisyada suurtagal ahiba waxa laga yaabaa inay qayb ka noqdaan habka uu qofku wax u daahfurayo ee u sheegayo. Waayo, waxa laga yaabaa in aan habkan qaabayno, innaga oo hagaajinayna habka aan wax u dhegaysanno, waana inaan tixgelinno qofka hadalaya oo aan ogaanno in wada sheekaysigu yahay mid midhadhal ah, waana inaan ogaanno haddii wax inna seegaan.

In aan ilbidhiqsiyo kooban qofka hadalkiisa yara joojisid oo aad fekertid inta aanad si caadiya u jawaabin waxa laga yaabaa inay kaa caawiso inayna waxba ku dhaafin, fursadda muhiimka ahna aad ka faa’idaysatid.

Gunaanad

Waxa qoray: Rebecca D. Minehart, oo ah Barofaysar dhiga Jaamacadda Harvard Medical School, Benjamin B. Symon, oo Lataliye ka ah Queensland Children’s Hospital, iyo Laura K. Rock oo ah gabadh Kaaliye Barofaysar ka ah Harvard Medical School.

Waxa lagu daabacay Harvard Business Review (What’s Your Listening Style? (hbr.org) ), waxa la daabacay May 31, 2022.

Turjumid Cabdirisaaq Sandheere

29 Juun, 2022

Categorie: Somalia

Mareykanka Iyo Midowga Afrika Oo Mar Ku Dhowaaday Inay Aqoonsadaan Somaliland

Somaliland Today - Gio, 30/06/2022 - 9:05am

(SLT-Washington)-Kaaliyihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.

Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii hore ka sii jeedday arrimaha Somaliland.

Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Somaliland.

“Markii uu George W. Bush xafiiska yimid 2001-dii, dowladda Mareykanka uma diyaarsanayn wax siyaasad ah oo ku waajahan Somaliland. Ma aannaan lahayn mowqif ku aaddan Somaliland xilligii aan ololaha ku jirnay, haddii aan sidaas u dhigo, waayo uma hadli karo maamulkii Clinton.

“Balse waxaan wakhtigaas usoo shaqeeyay si ku meel gaadh ah, ma xasuusto warqado ama warbixinno ka yimid maamulka Clinton oo ku saabsan Somaliland ama Soomaaliya oo arrintaas la xidhiidha. Waan isku daynay inaan raadinno dukumiintiyo balse Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loo aqoonsanaa hal waddan. Annagu run ahaantii ma aannaan lahayn siyaasad madax bannaan oo khuseysa Somaliland, oo dhaafsiisan in ay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya.”

Mareykanka ayaase ugu dambayn fiiro gaar ah u yeeshay Somaliland kaddib markii ay dhaceen weerarradii daaraha mataanaha ah, sida ay faahfaahisay Jendayi Frazer.

“Qorshaheenna ku aaddan Somaliland ma lahayn wax dhaqdhaqaaq ah ilaa aan si hoose u eegnay wixii ka dambeeyay 9/11 2001 oo ahayd markii lasoo weeraray dhulkeenna. Sidaas awgeed, sagaalkii bilood ee ugu horraysay maamulkii Madaxweyne Push, Soomaaliya kama soo muuqanin liiska mudnaanta.

“Markii aan billaabay inaan eego anigoo kaashanaya howl-wadeennadii kale ee maamulka Bush, waxaa noo muuqatay in ay ku tallaabsadeen dimuqraaddiyad wayn iyo amni. Waxay lahaayeen afti dastuur oo loo codeeyay 2001, taasoo lagu dalbaday in lasoo celiyo madaxbannaanida, sannadkii 2003-diina, waxay doorteen madaxwaynihii ugu horreeyay ee Somaliland.

“Waxay qabteen doorashooyinkaas dimuqraaddiyadda ah waxayna sii xoojiyeen amniga. Sidaas si ka duwan, Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad ku meel gaadh ah oo aan awood u lahayn inay cagaha ku istaagto walina la daalaa dhacaysay dagaallada qabiillada iska soo horjeeda.

“Marka farqiga u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland iyo rabitaanka beesha caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, ee ahayd in la taageero Somaliland wuu sii kordhayay. Waxay ila tahay waa markaas xilliga aan si buuxda ugu soo jeedsannay Somaliland,” ayay tidhi Frazer.

Xilligaas ayay sheegtay in Mareykanka uu la tacaalayay kooxaha argagixisada ee halista ku hayay Soomaaliya. Ka hor inta ayna soo bixin maxkamadihii Islaamiga, waxaa jiray ururkii Al Itaxaad Islaamiya oo Mareykanku uu u aqoonsanaa argagixiso caalami ah, inkastoo aan markaas loo arkeynin inay khatar ku ahaayeen dunida.

Washington ayaa sidoo kale raadinaysay meel nabad ah oo ka tirsan geeska Afrika oo ay ka wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Qaacida, xilligaasna ay Somaliland ahayd meel nabdoon oo ay isha ku hayeen, sida ay qirtay saraaladdan hore.

Si gaar ah kaaliyihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa ay shakhsi ahaan u rabtay in la aqbalo gooni isu taagga Somaliland.

“Aniga waxaan dareemayay in ay habboon tahay in la aqoonsado in Somaliland ay noqoto dal madaxbannaan. Waxa uu ahaa dal markii horeba xor ahaa 1960-meeyadii oo si iskiis ah ula midoobay Soomaaliya,” ayay tidhi.

Muxuu ahaa Mowqifka dalalka kale ee gobolka?

Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado.

Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanaa in ay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.

Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Nigeriga ayaa qabtay aragti ay ku taageersanayd Somaliland.

“Waxaan dareemayay inuu jiray isbahaysi uu hoggaaminayay Midowga Afrika kaas oo taageerayay gooni isutaagga kaddibna uu Mareykanku ku biiri doono, laakiin taasi ma dhicin.” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Categorie: Somalia

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabis Sameeyay

Somaliland Today - Mer, 29/06/2022 - 11:33am

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:          Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Categorie: Somalia

Ma La Odhan Karaa Fursad Muhiim U Ahayd Proff Samater Ayuu Ka Lumiyey Madaxweyne Biixi, Cashar Noocee Ah Ayuuse Ka Baran Karaa Fashilkii Hiil Qaran

Somaliland Today - Mer, 29/06/2022 - 10:17am

Axmed Ismaaciil Samater oo ah Aqoonyahan si weyn loogu ixtiraamo dhinaca aqoonta, ayaa soo galay siyaasadda Soomaalida horaantii 2010-kii, markaa oo uu aad u danaynayey inuu qayb ka noqdo Siyaasaddii Somalia iyo arrimihii doorashooyinka ee wakhtigaasi ka taagnaa Somalia.

Waxa uu noqday oo uu Guddoomiyaha Urur siyaasaddeedkii Hiil qaran ee ka jiray Somalia, kaas oo ay bahoobeen Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin reer Somalia ah.

Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu noqday Murrashax u tartamay Xilka Madaxweynenimo ee Somalia, waxaanu olole xooggaan u galay sidii uu noqon lahaa Madaxweynaha Somalia ee doorashadii 2012-kii, balse weji gabax ayuu kala kulmay doorashadaasi markii uu helay 8 cod oo keliya.

Proff. Samater ayaa lagu tilmaamay in weji gabaxaas ay sababa u ahayd in aanu odorosin nidaam siyaasaddeed ee Somalia ka jiray wakhtigaasi iyo duruufaha taagnaa amma Somalia ku dhaqanto ee habka awood qaybsiga. Inkasta oo uu ku ololeeyey qodob saldhig u ahaa waxqabad uu doonayey inuu sameeyey, haddii la doorto, balse taasi waxa ka xoog weynaa dhaqanka siyaasaddeed ee ka jira Somalia iyo qaab doorashadooda ah mida dadban.

Ka dib guul daradii siyaasaddeed ee ka soo gaadhay Samater Muqdisho, waxa uu go’aansatay inuu ka laabto mowqifkiisii siyaasaddeed ee uu muddada dheer ku ololaynayey ee ahaa Somaliweyn iyo aragtiisii  uu kaga soo horjeeday madax bannaanida Somaliland.

2013-dii ayuu dib ugu soo laabtay Axmed Ismaaciil Samater Somaliland, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka, isaga oo wakhtiyadaas si weyn uga hadli jiray aqoonta iyo waxyaabihii uu Somalia kala soo kulmay iyo sida halkaas aanay uga jirin wax wada lahaansho.

Badhtamihii 2016-kii ayuu si rasmi ah u shaaciyey inuu soo galay siyaasadda Somaliland, ka dib muddo saddex sanno ku sinaa oo uu sheegayey inuu saddexda Xisbi qiimeynayo midkoodna ku biirayo, waxaanu aakhirkii sheegay inuu Kulmiye ku qancay siyaasaddiisa iyo murrashaxiisii wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi “Markaan hufay waxaan gartay in kulmiye yahay meel aan fadhiisan karo” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samater, oo markaas toos cagaha ula soo galay siyaasadda Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaannu ku heshiinay wada yeelashada xisbiga iyo xukuumadda la dhisayo marka la guulaysto”

Intaas wixii ka dambeeyey waxa uu si weyn ugu ololeynayey in la doorto Murrashaxii Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi ahna imika Madaxweynaha Somaliland, isaga oo qayb libaax leh ka qaatay Barnaamijkii Kulmiye ku galay doorashadii 2017-kii.

Axmed Ismaaciil Samater, ayaa si lama filaan ah iskaga dhex waayey Xukuumaddii u horreysay ee uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka mid ahaa Xubnihii la saadaalinayey inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirrada, balse taasi ma dhicin. Inkasta oo Wasaaraddo la sheegay inuu danaynayey in loo magacaabo loo sheegay in aan loo hayn, kuwii loo soo jeediyeyna ka cudur daartay.

Fursadan ka luntay ee uu kaga mid noqon waayey Golihii Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dadka ka faalooda arrimaha Siyaasaddu  tilmaamaan in ay  u ahaan lahayd mid laga tijaabin lahaa hoggaamintiisa iyo kartidada inta badan uu sheegay in looga baahan yahay siyaasiga Soomaaliga ah.

Sidoo kale, haddii uu fursadan heli lahaa waxa la sheegaa inuu wax badan ka baran lahaa, isla markaana fahan badan uu ka qaadan lahaa hab-dhaqanka siyaasaddeed ee Somaliland ka jira.

Waxa kale oo fursadani u siin lahayd Madaxweyne Biixi, haddii isfaham iyo wada shaqeyn dhex mari lahayd in Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa inuu ka mid noqdo uu kala shaqayn lahaa

Dhawaan ayuu Proff. Samater Hargeysa kaga dhawaaqay Urur-siyaasaddeed cusub oo Hilaac la yidhaahdo, kaas oo ka mid ah Ururrada Siyaasadda ee muddooyinkan dambe lagaga dhawaaqayey Somaliland.

Axmed Ismaaciil Samater, ayaa ururkiisani la kulmi karaa duruufo la mid ah kuwii uu kala kulmay Ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Muqdisho ka jiray ee Hiil Qaran, inkasta oo Somaliland ay si weyn uga duwan tahay Somalia, oo ay tahay waddan ay ka dhacaan doorashooyin toos ah oo shacabku qofka ay doonayaan doortaan, haddana nidaamka deegaamaysigu waa mid inta badan Xisbiyadu ku aasaasan yihiin, Ururraduna ku aasaasi karaan in ay guullo u gaadhaan.

Saleban Saxansaxo

Categorie: Somalia

Turkiga Oo Ogolaaday In FINLAND Iyo Sweden Ay Ku Biiraan NATO

Somaliland Today - Mer, 29/06/2022 - 8:45am

(SLT-Paris)-Turkiga oo xubin ka ah Nato ayaa oggolaaday in uu Sweden iyo Finland ka taageero in ay ka mid noqdaan Gaashaanbuurta NATO.

Wuxuu markii hore ka soo horjeeday dalabka dalalka waqooyiga Yurub ee ah inay ku biiraan NATO.

Turkigu wuxuu ka cadhooday in ay martigeliyaan oo ay garab siiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta. balse Sweden iyo Finland kuma biiri karaan Nato iyagoo aan taageero ka helin Turkiga.

Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in ballaadhinta NATO ay halis ku tahay amnigiisa.

Categorie: Somalia

Dowladda Itoobiya Oo Magacawday Guddi Wadahadal Lagali Doona TPLF

Somaliland Today - Mar, 28/06/2022 - 5:49pm

(SLT-Addis Ababa)-Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

Guddigan ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, la-taliyaha raysal wasaare Abiy Axmed ee dhanka amniga iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed looga gaadho dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Labada dhinac waa Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa horey waxay isugu raaceen inay wada hadal gali doonaan, kaas oo ay gadhwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

TPLF wali kama hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya usoo magacawday inay wadahadal lagalaan TPLF.

Categorie: Somalia

Xukuumadda Somaliland Oo sheegtey in dadka Reer Somaliland Ay sannadkan ka baaqdeen gudashada cibadaada Xajka.

Somaliland Today - Mar, 28/06/2022 - 12:41pm

Somaliland ayaa sheegtey in afar Kun oo qof oo Xujay Somaliland ah ay sanadkan ka baaqdeen gudashada cibadaada Xajka.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Albaani ayaa yidhi “ Sanadkan shacabka Somaliland way ka baaqdeen gudashada Xajka, kadib Markii dowladda Somalia musuqday saamigii Somaliland.”

Categorie: Somalia