Somalia

English French German Italian Portuguese Russian Spanish

Aasaasihii Wikileaks Assange Oo Loo Oggolaaday Inuu Guursado Isagoo Xabsi Ku Jira

Somaliland Today - Sat, 13/11/2021 - 07:29

(SLT-London)-Maamulka xabsiyada Britain ayaa aasaasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange u fasaxay inuu guursado inta uu xabsiga ku jiro, sida ay sheegtay Stella Moris oo ah gabadha uu doonayo inuu guursado.

Assange ayaa weli sugaya go’aan maxkamadeed oo muhiim ah oo ku saabsan suurtagalnimada in loo gacan geliyo Mareykanka.

Assange oo ku xidhan xabsiga Belmarsh ee magaalada London ayaa waxaa aad u doonaya Washington si uu u waajaho eedaymo kala duwan oo la xidhiidha soo bandhigida dukumentiyo badan oo sir ah.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa isku diyaarineyso inay go’aan ka gaadho racfaanka Mareykanka ee ka dhanka ah go’aanka maxkamadda hoose ee lagu horjoogsaday dhiibistiisa.

WikiLeaks ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo Khamiista ku sheegtay in lammaanaha ay bilaabeen tallaabo sharci ah ka dib markii laga hor istaagay in ay is-guursadaan.

Afhayeenka Adeegga Xabsiga ayaa sheegay in Codsiga Mr Assange la helay isla markaana la tixgeliyey si la mid ah maxaabiista kale ee ku xidhan xabsiga.

Assange, oo 50 jir ah, ayaa lagu xidhay Britain 2019 kadib markii uu toddobo sanno ku qaatay gudaha safaaradda Ecuador ee London si uu uga fogaado in loo gacan geliyo Sweden halkaas oo uu waajahayay eedeymo ku saabsan faraxumeyn. Eedeymaha ayaa markii dambe meesha laga saaray.

Dowladda Mareykanka ayaa Assange ku soo oogtay 18 dacwadood oo la xidhiidha baahintii 2010-kii ee 500,000 oo faylal sir ah oo tafaasiil ka bixinayay ololihii millatari ee Afgaanistaan ​​iyo Ciraaq.

Waxayna baahinta sirtani sababi kartaa in Maraykanka uu ku xukumo xabsi gaadhaya 175 sanno ah, in kasta oo kooxda sharciga ee Washington ay ku andacoonayaan in xukunkiisa suurtogalka ah ay adag tahay in la qiyaaso oo uu aad uga gaaban karo.

Categories: Somalia

Ninka ugu Qanisan Dunida ayaa Iibinaya Qayb ka mid ah Hantidiisa

Somaliland Today - Thu, 11/11/2021 - 13:44

Elon Musk, hantiilaha ugu qanisan dunidu wuxuu ku dhawaaqay in uu iibinayo qayb ka mid ah hantidiisa, kadib markii uu afti (poll) ka sameeyay dhanka Twitter.

Aftida uu sameeyay oo ay codeeyeen 3million oo qof ayay badi dadku dalbadeen in uu furo saamiyo isla markaana ka iibiyo qayb ka mid ah hantidiisa oo lagu qiyaaso, $271billion.

Wuxuu iibinayaa $5 billion hanti lagu qiyaasay oo ah sheerar loo furayo dadka. 3.5 million oo sheer ayaa hoos imnaya wajiga koobaad iyadoo ay barbarsocdaan 2.2 million oo sheer oo iyaguna ah shirkadiisa gawaadhida farsamaysa ee Tesla.

Dadka ayaa ku cadaadiyay in uu furo dheerarkan iyadoo mudo saacado ah uu ku khasaaray %16 oo saamiyada shirkaddu ay hoos u dhaceen, intaa kadibna uu si degdeg ah u go’aansaday in uu furo saamiyada.

Categories: Somalia

Beelaha Darafyada: Waa Kala Laba SNM iyo Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

Somaliland Today - Thu, 11/11/2021 - 13:18

Shan madaxweyne oo Soomaalilaan soo maray saddex ka mid ahi waxa ay ahaayeen madaxdii ama saraakiishii SNM, markaa aqlabiyadda madaxweyneyaashii Soomaalilaan waa SNM. Wixii ka dambeeyey doorashadii 2010 kursiga loogu dhiibay madaxweynihii hore ee Axmed Sillaanyo, waxa soo badanayey siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka soo jeeda beelaha darafyada oo gef aanay galabsan kula kacayey SNM.

Waxa ay isku ladhayeen cabashada ay ka qabaan maamulka markaa jiray iyo SNM oo aan shuqul isku lahayn. Waaqac ahaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe wax ay wada leeyihiin Soomaalilaan, way se kala leeyihiin SNM. Waxa aanu shaki ku jirin in beesha dhexe uu taliskii MSBarre ku laynayey SNM awgeed. Si hayb ah ayey ciidankii milatariga Siyaad Barre u xasuuqi jireen dadka ka soo jeeda beesha dhexe, halkaasi markaad ka qiyaas qaadatidna beeshe dhexe waxa ay hiil iyo hooba la garab taagnayn jabhadii SNM.

Beelaha darafyadu waxa ay la dhacsanayeen taliskii MSBarre oo ay taageero buuxda la garab taagnaayeen, taasina waxa ay keentay inay kala fogaadaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe. SNM waxa ay la dagaalamaysay xukunkii MSBarre, waxba se kama jiraan aragtida odhanaysa inay SNM la dagaalmaysay beelaha darafyada ee Soomaalilaan. Waxa is-hayey ciidamadii SNM iyo milatarigii MSBarre oo goob kasta uu dagaal ku dhexmari jiray.

Dad ka tirsan beelaha darafyadu waxa ay aaminsan yihiin in taliskii MSBarre uu iyaga u roonaa ama uu reerkooda ahaa sidaasi darteedna SNM ay ka burburisay xukun ay ku qancsanayeen ama naasjuujin jiray, markaana ay SNM ku soo duushay danahoodii oo ay sidaasi u liqi la’yihiin halgankii SNM. Markii ay SNM ka adkaatay taliskii MSBarre ee ay gacanta ku dhigtay dhammaan dhulkii Soomaalilaan-ta maanta, waxa ay cafis u fiday dhammaan beelihii u cadaawada kala dhex-dhigay taliskii MSBarre, waxaana bilaabay shirarkii la isku keenayey beelaha Soomaalilaan si loo dhiso maamul ay u dhan yihiin.

Arrintaasina waxa ay muujinaysaa in aanay SNM la dagaalameyn beello. Taageerayaasha SNM ee beesha dhexana waxa ay ku doodayaan inay SNM xorraysay dhammaan Soomaaliya oo dhan maadaama oo ay xukunkii ka tuurtay hogaamiye xukunka xoog ku qabsaday oo aan ogoleyn inuu dalka qof kale madaxweyne ka noqdo. Wixii ka dambeeyey 1991 dhammaan madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa ay kursiga ku heleen fursadii ay SNM xukunka kaga tuurtay taliskii MSBarre. Haddii se aanu dhici lahayn xukunkii milatariga Siyaad Barre may dhacdeen inay dhammaantood madaxweyneyaal noqdaan.

Categories: Somalia

Youtube Oo Go’aan Cusub Kasoo Saartay DISLIKE-ta La Saaro Muuqaallada

Somaliland Today - Thu, 11/11/2021 - 06:45

(SLT-Washington)-YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada ayna hadda kadib arki doonin dadweynuhu, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah.

Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha.

Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka.

“Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tidhi bayaan ay soo saartay.

“Tijaabadayada waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.”

Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale.

YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda.

Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin.

Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xooggan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah in ayna wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka.

Categories: Somalia

Hubka Ay IRAN Siiso Xuutiyiinta Yemen Oo La Sheegay In Loo Soo Gudbiyo Soomaaliya

Somaliland Today - Thu, 11/11/2021 - 06:25

(SLT-Tehran)-Warbixin ay diyaarisay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in hub ay IRAN siiso xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen si qarsoodi ah looga talaabiyo gacanka Cadmeed lana geliyo dalka Soomaaliya halkaasoo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya.

Hay’adda Hal-abuurka caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee ku-meel-gaadhka ah “The Global Initiative against Transnational Organized Crime” ayaa sheegtay in daraasaddooda ay ka soo saareen xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agabyo laga helay 13 doomood kuwaasoo ay qabteen maraakiibta badda.

Waa cilmi-baadhistii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo waddanka Geeska Afrika ku yaalla.

“Hubka ka soo jeeda Iran iyo Yemen ayaa si ganacsi ah loogu sii dhoofiyaa Soomaaliya lafteeda,” ayaa lagu yidhi daraasadda.

“IRAN waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran.”

Wasaaradda arrimaha dibadda IRAN iyo afhayeen u hadlay xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan daraasaddan.

IRAN ayaa si joogta ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, halkaasoo dagaalka sokeeye ee lixdii sanno ee la soo dhaafay ay ku dhinteen tobanaan kun.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga Gudaha ayaan ka jawaabin taleefoonno iyo farriimo wax lagaga weydiinayay arrintan sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters.

Daraasadu waxay sheegtay in baadhayaashu aanay awood u lahayn inay si buuxda u diiwaangeliyaan iibsada iyo iibinta hubka.

Laakiin waxa ay sheegtay in calaamadaha hubka ay markii hore bixisay dawladda Iran ay ka mid ahaayeen tiro taxane ah oo aad isugu dhow, taas oo muujinaysa in ay qayb ka ahaayeen shixnadii la mid ahaa, xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay.

Mid ka mid ah doonyaha hubka oo ay qabteen markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lahaa GPS-ka lagu keydiyay Iran, koonfurta Yemen iyo Soomaaliya, sida warbixintu sheegtay, oo ay ku jiraan bar yar oo ku taal meel u dhow dekedda Jask, oo martigelinaysa saldhigga ciidamada badda ee Iran iyo Dekedda Mukalla ee dalka Yemen, oo ah goob caan ah oo laga soo dhoofiyo hubka.

Daraasaddu waxay sheegtay in qorigu uu ku dhammaado shabakado ganacsi oo wax tahriibiya oo macaamiishooda ay ka mid noqon karaan kooxo hubeysan oo doonaya inay ka faa’iideystaan ​​ka hor doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya oo marar badan dib u dhac ku yimid, iyo sidoo kale maleeshiyo beeleed iyo kooxo Islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Xigasho;Reuters

Categories: Somalia

“Xisbiga WADDANI Wuxuu Xaqiijinaya Inay Dib U Bilaabmeen Wadahadaladi Garabka KULMIYE Ee Maxamuud Xaashi Aanu La Wadnay “. Muniir Axmed Cigaal

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 18:13

Lataliyaha Warbaahinta ee Gddoomiyaha Xisbiga Waddani  Muniir Axmed Cigaal oo sidoo kale kamid ahaa masuuliyiinta sida wayn ugu hawlana inay midho dhalaan wadahadalkii Xisbiga Waddani la furay Garabka Kulmiye ee uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Ummadda Somaliland u xaqijinayaan inay dib u fureen wadahadalki.

“Waxaan idin xaqijinayaa inay dib u bilaabmeen wadahadaladi aanu la wadnay Garabka Kulmiye ee uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu rajaynaynaa inay ka soo bixidonaan wax khayr lihi.

Muniir Axmed Cigaal oo la waydiiyay hanka Maxamuud Xaashi Cabdi ee jagada Guddoomiyaha iyo Murashaxnimada jagadaas ee Xirsi Cali Xaji Xasan inay caqabad ku keenayso wadahadalka wuxuu yidhi .

“Maya isma khuseeyaan xisbiga Waddani hore Xisbi u jiray weeye oo qaabdhismeedkisu dhisna Maxamuud Xaashi na wadahadal ayaanu la furnay waxbadan oo aan Xil la helo ahayn oo badbaadada Waddanka ah ayaanu iska kaashan karna waanay socota “. Sidaa waxa yidhi Lataliyaha Warbaahinta Guddoomiyaha Waddani Muniir Axmed Cigaal Oo Warbaahinta Hargaysa kula hadlay.

Categories: Somalia

Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabid Sameeyey

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 11:55

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Categories: Somalia

“Xifiltan Gaar Ah Oo Noo Dhexeeya Aniga Iyo Maxamuud Xaashi Ma Jiro, Horena Waanu U Soo Wada Shaqaynay Imika Haddii Uu WADDANI Yimaado Waanu Wada Shaqaynaynaa.”

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 10:34

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inuu Wax Badan Ku Soo Kordhin Doono Xisbigaasi, Haddii Guddoomiyihiisa Loo Doorto

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna murrashax u taagan xilka Guddoomiyaha ee Xisbigaasi, ayaa ka hadlay markii u horreysay xifiltan siyaasaddeed oo la sheego inuu u dhexeeyo, isaga iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hoggaamiye Xirsi, waxa uu xusay in Maxamuud Xaashi wax xifiltan siyaasaddeed oo gaar ah oo u dhexeeya aanu jirin, oo ay horena u soo wada shaqeeyeen, haddii uu Waddani ku biirana ay wada shaqayn doonaan.

Xirsi Cali Xaaji Xasan u warramayey Telefishanka Saab Tv, ayaa mar la weydiiyey sida ay isla jaanqaadi karaan Maxamuud Xaashi iyo Xifiltanka siyaasaddeed ee la weriyo inuu ka dhexeeyo, waxa uu ku jawaabay    “Waxan is leeyahay kuwa ugu yidhi xifaaltan ayaa ka dhexeeya, waa wax aan raad weynayn uun. Noloshu tartan ayey iska leedahay, oo qof walba wax buu doonaa, wax buu damacaa. Qofka wax uu raadinayaa sidii uu nolosha uga jirbo keeni lahaa, taas ayaanu kula simanahay siyaasadda dalka, wax gaar ah oo labadayda naga dhexeeyaa oo xifaaltan ah amma is diid ah ma jirto, horena waanu u soo wada shaqaynay imika haddii uu Xisbiga Waddani yimaado Maxamuud Xaashi waanu wada shaqaynaynaa.”

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlayey wada hadallada u socda Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, waxa uu yidhi “Wada hadallada Siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, weli ay socdaan, waxaan rajaynayaa in ay hore u soo dhamaadaan. Maxamuud Xaashi waa nin Siyaasi ah oo saameyn leh oo soo shaqeeyey, oo Somaliland iyo agtayadaba ku leh.’

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, oo ka jawaabayey su’aal ahayd, waxyaabaha uu Waddani ku soo kordhin karo, haddii loo doorto Guddoomiyaha Xisbiga, waxa uu ku jawaabay “Waa run Xisbiga waan joogay, laakiin Hoggaankiisa rasmiga ah amma Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa ahaa, markaa wixii aan ku biirinayey waan ku biirinayey, imikina waxa aan is leeyahay haddii aad u gacan bannaanaato, wixii aad ku biirinaysay wax ka badan ayaa ku biirinaysaa, haddii ay tahay aqoon iyo awoodba waad gelin kartaa, runtiina waxaan is leeyahay taageero iyo taloba waad ku biirin kartaa”

Categories: Somalia

Midowga Afrika waa in uu Xalliyo Qadiyadda Somaliland…” FPRI

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 09:13

Stephen M. Schwartz, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah, kana tirsan Machadka Cilmi-baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadd (Heritage Foundation) ee dalka Maraykanka, ayaa bilaabay olole siyaasaddeed oo uu ku taageerayo qaddiyada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Stephen M. Schwartz ayaa dalalka midawga Afrika u soo jeediyay in ay xalliyaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo macnaheedu yahay in wadamada Afrika ay aqoonsadaan qaddiyada madax-bannaanida Somaliland. Waxaanu dawladda Maraykanka ku boorriyay in ay iyadu tallaabadaasi hoggaamiso.

Stephen M. Schwartz waxa uu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee dawladda Maraykan ah ee Soomaaliya (2016-17) tan iyo 1991-kii, waxa uu shaqada ka fadhiistay 2017-kii isaga oo xubin ka noqday adeegga siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo darajada Wasiir La-taliye. Muddadii uu ku jiray shaqadiisa arrimaha dibadda, Mr. Schwartz waxa uu soo noqday ku xigeenka madaxa ergada ee Zambia iyo Mauritius, iyo sarkaal heer dhexe ah oo uu ka soo qabtay Itoobiya, Koonfur Afrika, Burundi, iyo Cuba.

Warbixintan oo lagu daabacay mareegta uu leeyahay Machadka Cilmi-baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadd (Heritage Foundation) FPRI, ayaa lagu bilaabay sidan “Joshua Meservey, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan hay’adda Heritage Foundation, ayaa ku ololeeyey warqad siyaasaddeed oo dhawaan la filayo in uu Maraykanku Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan.

Soo jeedintan halista ah way habsaantay in la tixgeliyo. Meservey ayaa ka sheekeynaya in Somaliland ay soo afjartay midowgii ay iskeed ula gashay Soomaaliya bishii May, sannadkii 1991-kii, isla markaana ay si guul ah isu maamuleysay muddo 30 sanno ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka qabsooma doorashooyin loo tartamo, waxaana ka jira isbedelo dawladeed oo nabdoon. Somaliland waxay leedahay ciidan, dastuur, calan iyo baasaboor.

Dekedda Somaliland ee Berbera waxa horumarinaysa shirkadda Dubai Ports World oo si xawli ah u koraysa. Somaliland waxa ay dhacdaa bariga Djibouti iyo koonfurta Yemen ee gacanka cadmeed, waxana ay ku taalaa marinka Bab-el-Mandab oo ah istaraatiijiyad muhiim ah. Meservey waxa ay si sax ah ugu doodaysaa in aqoonsiga madax-banaanida Somaliland ay siinayso ciidamada Maraykanka bedelka baahida weyn ee ay u qabaan Jabuuti, isla markaana ay hoos u dhigayso khatarta Shiinuhu ku hayo xarumaha, shaqaalaha iyo hawl-gallada Maraykanka. Talaabadan noocan oo kale ah waxay sidoo kale siinaysaa Maraykanka iyo kuwa kale inay helaan saaxiib degan, shaqaynaya, nabad ah gobolka ay colaaduhu aafeeyeen iyo xoojinta dawladnimada iyo dhaqaalaha dimuqraadiyadda Somaliland.

Meservey waxa kale oo uu tilmaamay dhawr arrimood oo hoos u dhigi kara aqoonsiga Maraykanka. Waxa uu taxay cadaawadda Shiinuhu u qabo Somaliland ee ku saabsan xidhiidhka Taiwan iyo in ay u badan tahay in uu diiday in uu fadhiisiyo Qaramada Midoobay; Cadhada ay Soomaaliya ka qaaday Mareykanka. Walaaca ka imanayay dowladaha kale ee Afrikaanka ah ee ku aadan in tallaabadani ay kicin doonto dhaqdhaqaaqyo gooni-goosi ah iyo suurto-galnimada in Somaliland ku fashilanto sidii Koonfurta Suudaan (iyo Ereteriya la odhan karo). Aniga iyo isagaba waxaan u aragnaa natiijadan dambe mid aan macquul ahayn. Mana aaminsanin in Somaliland xaaladdeeda gaarka ahi ay kor u qaadi doonto dooda dhaqdhaqaaqyada kale ee Afrikaanka ah ee gooni-goosadka ah.

Waxa jirta koorso haddii lagu guulaysto Maraykanka u gaadhi lahaa dhammaan faa’iidooyinka ku jira aqoonsiga Somaliland iyada oo aanay midna ka mid ahayn arrimahan hoos u dhaca: Maraykanku waa in uu la shaqeeyaa dawladaha Afrikaanka ah iyo kuwa aan Afrikaanka ahaynba si uu Midowga Afrika ugu qanciyo in uu hoggaamiyo geeddi-socodkii lagu xallin lahaa. Somaliland meeqaamkeeda. Midowga Afrika wuxuu awood iyo sharci u leeyahay inuu arrintan wax ka qabto oo uu si awood leh ugu dhaqmo rabitaanka Afrikaanka iyo beesha caalamka.

Ururka Midowga Afrika ayaa arrinkan qaatay 2005-tii isagoo wefti xaqiiqo raadin ah u soo diray Somaliland. Soo koobida rasmiga ah ee natiijadeeda ayaa ah mid aad ugu riyaaqsan sheegashada Somaliland, isagoo leh, “Ictiraaf raadinta Somaliland waa mid taariikhiyan ah oo gooni u ah taariikhda siyaasadeed ee Afrika,” waxayna ku boorinaysaa Midowga Afrika inay arrintan kala hadlaan dawladaha Muqdisho. iyo Hargeysa oo aan dib loo dhigin. Ururka Midowga Afrika ayaan ku dhaqmin warbixintaas oo door yar ayuu ka qaatay tan iyo markaas. Hadda, 16 sano ka dib, waa waqtigii Midowga Afrika uu wax ka qaban lahaa.

Qaramada Midoobay waa golaha ugu sarreeya adduunka ee ku saabsan qadiyadda madax-bannaanida qaranka, go’aankeeda ay ku oggolaato ama u diido xubinnimada waddan codsi ah. Codsadayaashu waxay u baahan yihiin cod wanaagsan oo ka yimaada Golaha Ammaanka iyo taageerada saddex-meelood laba meelood ee Golaha Guud. Ka sokow tixgelinta danahooda gaarka ah iyo faa’iidada kiiska la soo bandhigay, dalalku waxay eegayaan mawqifka gobolka ee ay khuseyso, kiiskan Midowga Afrika. Haddii la aqbalo xubin ka mid ah Midowga Afrika ama xitaa talo wanaagsan, Somaliland waxay u badan tahay in loo oggolaan doono inay ku biirto Qaramada Midoobay; la’aanteed AU-da, uma badna in ay xubin ka noqoto. Shiinuhu waxa laga filan karaa inuu Somaliland ka horyimaado ogolaanshiyaha ilaa iyo inta uu xidhiidhka dhow la leeyahay Taiwan, balse arrintani waa arin u taalla Somaliland.

Si loo go’aamiyo in Qaramada Midoobay ay tixgaliso qadiyadda Somaliland, Midowga Afrika waa inuu sameeyaa afar arrimood si uu u caddeeyo arrinta:

In la abaabulo guddi cusub oo xaqiiqo raadin ah oo madaxda Afrika ku baraarujinaysa xaaladda Somaliland ee wakhtigan.

In dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la siiyo waqti ay ku bilaabato wada-hadallada ay AU-du gadhwadeenka ka tahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ee ku saabsan halka ay marayso iyo xidhiidhka labada maamul.

Hoggaaminta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo looga baahan yahay in dhinacyadu si niyad-sami ah uga qayb-galaan, kuna heshiiyaan natiijada taariikh cayiman.

In lagu dhawaaqo in haddii dhinacyadu ay heshiis gaadhi waayaan Midowga Afrika uu soo bandhigi doono aragtidiisa ku aaddan cidda masuulka ka ahayd burburka, isla markaana ay talo u soo jeediso Golaha Midowga Afrika tallaabooyinka xiga.

Soomaaliya iyo Somaliland waxay hore u yeesheen wada-hadallo iyaga oo ku kulmay weftiyo heer wasiir ama madax dawladeed ilaa toban jeer tobankii sano ee la soo dhaafay si ay uga wada hadlaan meeqaamka Somaliland. Nasiib darro, wadahadaladu weligood ma horumariyaan heshiisyadii hore ee arrimaha habraaca. Dhexdhexaadin adag oo joogto ah ayaa loo baahan doonaa si looga gudbo shuruudaha, madax-adaygga, dib u dhaca, iyo diyaargarow la’aanta mid ama labada dhinacba. Wada xaajoodyadu sidoo kale waa inay sugaan natiijada ka soo baxda geeddi-socodka doorashada Soomaaliya ee daba dheeraaday. Awood la’aanta Soomaaliya ama rabitaan la’aanta in laga wada xaajoodo xal u helida meeqaamka Somaliland waxa ay wiiqaysaa dedaalka ay ugu jirto horumarinta dib u heshiisiinta gudaha iyo in ay culays aan cadaalad ahayn ku hayso shacabka Somaliland. Iyadoo aan la helin sharci cad. ha noqoto madax-banaani ama nooc ka mid ah ururada. Somaliland waxay ka maqan tahay maalgashi shisheeye, kaalmo iskaashi, helitaanka suuqyada daymaha caalamiga ah, lacag bixinta ku habboon isticmaalka hawadeeda, IWM. Soomaaliya ayaa u diidan faa’iidooyinkan si fudud iyaga oo iska indho-tiraya ama dib u dhigaya wada xaajoodka.

In Soomaaliya ay si dhab ah u wadahadlaan waa ubucda arrintan. Caalamku guud ahaan waxa uu u hoggaansamaa mawqifka dawladda lumisay ee ku aaddan codsadayaasha aqoonsiga Qaramada Midoobay. Tobannaankii sano ee u dambeeyay, dhammaan dalalkii ka go’ay hal dal oo kuraas ka helay Qaramada Midoobay waxay ku dhaqaaqeen oo keliya ogolaanshaha dawladdii lumisay. Itoobiya waxay ogolaatay madax banaanida Eritrea 1993, Indonesia waxay ogolaatay madaxbanaanida Timor Leste 2002, Serbia waxay ogolaatay Montenegro inay ka go’do midawgooda 2006, Sudan waxay ogolaatay madaxbanaanida South Sudan 2011. Taas bedelkeeda, Serbia ma aqoonsan madax banaanida wadankeedii hore. gobolka Kosovo, sidaas darteed, inkasta oo ay aqoonsan yihiin ilaa 100 waddan, Kosovo ma helin kursi Qaramada Midoobay ah. Haddii la doorto, nooca gooni-isu-taagga waa in ay u taallo madaxda iyo shacabka Somaliland, laakiin waxaan qabaa inay door bidayaan faa’iidada ka mid noqoshada Qaramada Midoobay oo dhan iyo in la soo afjaro halgankii soo dhawaynta ee tobanaan sano socday.

Midowga Afrika waxa uu awood u leeyahay in uu dhexdhexaadiyo nabadda oo uu go’aan ka gaadho madax-bannaanida. Waxa ay Soomaaliya ku qasbi kartaa in ay wadahadlaan ama ay iyadu go’aansato in ay aqbasho dalabka Somaliland ee ah in la soo celiyo qaranimadeeda. Ku qancinta dawladaha Afrika iyo AU inay qaataan mas’uuliyaddan waa inay noqotaa mid diiradda saaraysa diblomaasiyadda Mareykanka.

Somaliland waxay ku naaloonaysay afar maalmood oo ah dal madax-bannaan oo ka bilaabmaya 26-kii June 1960-kii, ka hor intii aanay dooran inay la midowdo Soomaaliyadii Talyaaniga ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalintii ay xornimada qaadatay, markaas-U.S. Xoghayaha arrimaha dibadda Christian Herter ayaa qoraal u diray golaha xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan idiin soo jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin guusha aad gaadhteen madax-banaanidiinna. Tani waa mid taariikhi ah oo mudan in la xuso, waxaana farxad ii ah in aan salaan diiran ka soo diro munaasabaddan farxadda leh.” Haddii ay Soomaaliya ku guul darreysato in ay si niyad sami ah uga wada xaajoodaan xalinta maqaamka Somaliland, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken waa in uu tixgeliyo soo jeedinta Josh Meservey oo uu warqad la mid ah u qoro maamulka Hargeysa.”

Categories: Somalia

Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Xaalada Dalka Itoobiya

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 09:10

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa u magacaabay guddida amniga qaranka arrimaha ka aloosan dalka Itoobiya, si xal loogu helo haddii ay dhacdo in ay bulshaweynta Itoobiya barakac ku yimaadaan Somaliland.

Waxaa sida warbaahinta u sheegay guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, oo xusay in ka hay’add ahaan ay qayb ka yihiin guddida madaxweynuhu u saaray xaalada ka taagan dalka Itoobiya.

Gudoomiyahu waxa uu warbixintiisa ku sheegay in ay waddanka ku sugan yihiin soddon ilaa afartan kun oo ajaanib ah, iyadoo dadkaasi ay hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo ciidanka laanta socdaalka, halka uu sidoo kalena sheegay in dadka dalka u yimaada magangelyada siyaasiga ah uu ogolaansha siiyo Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu daboolka ka qaaday dadka ku barakacay abaarihii dalka soo maray iyo in gudaha Somaliland ay ku barakaceen lix boqol oo kun oo qof ayay dadkaasi noqdeen, boqol iyo shan kun oo qoys iyo dadka qaxoontiga iyo magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Somaliland.

Guddoomiye Xinif waxa uu sidan ka sheegay kulan is xog wareysi ah oo ay ugu yeedheen guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Dayib Xasan Axmed.

Gabo-gabadii guddoomiyaha guddida joogtada golaha guurtida Somaliland xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa ku boggaadiyey masuuliyiinta hay’addaasi sida ay u soo ajiibeen dalabkii gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, iyadoo guddoomiyuhu balan qaaday in waxyaabihii ay ka wado hadleen ay u gudbin doonaan gole weynaha Guurtida.

Guddoomiye Xinif oo ka hadlaya guddida madaxweynuhu magacaabay waxa uu yidhi.“Xaalada hadda ka taagan Itoobiya madaxweynaha Somaliland, guddi ayuu u saaray, guddida nabadgelyada Qaranka, hay’addayaduna waa ay ku jirta shirar ayaa ka socda qorshe la’aani ma jirto oo wixii laga yeelilahaa gacanta ayaa lagu hayaa, cid inaga inaga baxsan oo hay’addo ahna waa ay innagaga xidhmi doonta haddii ILLAAHEY yidhaaho.”

Xinif oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray tirada dadka ku barakacay gudaha Somaliland waxaanu yidhi.“Waxaa kale oo aanu ka shaqeyna dadka barakacayaasha ah, dadka reer Somaliland ee gudaha dalka ku barakacay, isla markaana ay dhibaato ka rartay halkii ay deganaayeen, waxaana inagu badan abaarihii, sababto ah colaado ma jirin innaga, fatahaadana ma jirin, daadadna may jirin, dadkii abaaraha ayay u badan yihiin.

Dadkaasi sannadkii 2018-kii ayaanu mar qiimayn guud ku soo sameynay bal tiradooda rasmiga ah in aanu helo, lix boqol oo kun oo qof ayay dadkaasi noqdeen, boqol iyo shan kun oo qoys.

Qiimayntii labaad ayaanu hadda wadna anaga iyo hay’adda IOM, muddo bil ah ayaa loogu tallo galay in uu socdo, sided cisho ayaa imika ka hadhsan, degmooyinka Somaliland oo dhan ayaanu u dirnay shaqaalaha hay’adda iyaguna kolay waxa ay soo xaroonayaan bishan lix iyo tobankeeda, muddo kadibna tirakoobku waa uu soo bixi doona taasna Qaranku waa uu ogaan doona haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Categories: Somalia

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xalay Albaabada U Laabay Telefishinka Madaxa Banaan Ee Nabad TV

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 09:08

(SLT-Jigjiga)-Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa albaabada u laabtay xaruntii Telefishinka madaxa banaan ee  Nabad tv kulahaa magaalada Jigjiga.

Komishineer ku xigeenka booliska dowlad degaanka Soomaalida G/sare Maxamuud Sheekh Axmed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Telefishinku baahiyey warar iyo warbixino ka hor imanaya bayaanka xaaladda deg degga ah ee dhawaan si guud loogu soo rogay Itoobiya.

Geesta kale waxaa isna la xidhay mulkiilaha Nabad tv Cabdulaahi Axmed Yuusuf, sida ay sheegtay Filsan Cabdulaahi oo ah aasaasaha Nabad tv, sidoo kalena uu dhalay mulkiilaha tvga ee la xidhay.

Dadka degaanka ayaa aad uga cadhooday xadhiga lagula kacay Tvga Nabad tv, iyagoo sheegay inuu tvgu ahaa kan kaliya ee madaxa banaan ee xaruntiisu tahay degaanka.

Telefishinka ayaa waxaa aasaasay Filsan Cabdilaahi oo hore u ahayd Wasiiradda haweenka iyo dhallaanka ee Itoobiya, wuxuuna xadhiga tvgu kusoo beegmayaa xilli Itoobiya ay ka jirto xaalad deg deg ah oo lagu sugayo amniga dalka Itoobiya.

Categories: Somalia

Saxafi 13 Sanno Kadib Fariin Kasoo Gudbiyay Budhcad Ku Afduubatay SOOMAALIYA

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 08:59

Saxafiga lagu magacaabo Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa 13 sano kadib ka sheekeeyey dhibaato fool xun oo  uu kala kulmay burcad barcad badeed Soomaaliyeed xili uu baarayay dhibaatada iyo halista burcad baddeeda sanadkii 2008-dii, xiligaasi oo Soomaaliya lagu afduubtay markabka ‘Sirius Star’ oo shidaalka qaada ee Sacuudiga.

Colin Freeman, ayaa u afduubnaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida muddo lix todobaad ah wuxuuna daaha ka qaaday in kooxihii afduubtay ay doonayeen inay kula xiriiraan shirkaddi uu ka tirsanaa email ahaan.

Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa madax furasho lagu sii daayay lix toddobaad oo argagax leh kadib sanadkii 2008-dii.

Colin ayaa loo diray in uu baaritaan ku sameeyo oo uu ka shaqeeyo magaalada Boosaaso, waxaana afduubkiisa ka dambeeyey dadkii uu lacagta siiyay si ay u ilaaliyaan maadaama ay ahaayeen burcad badeed iska dhigaya ilaalo sida ay daabacday warbaahinta MyLondon

Colin oo ah wariye khibrad u leh in uu ka shaqeeyo goobo halis ah ayaa sheegay in ay ahayd maalintii u dambaysay ee safarkiisa markii ilaalo ku hubaysnaa qoryaha  Kalashnikovs, kuna amreen isaga iyo saaxiibkiis sawir qaade José Cendon in ay gaariga ka soo degaan. Hase ahaatee markii uu damcay in uu la xiriiro xafiiskiisa uu sheegay in madaxa looga dhuftay qori xabadi ay raacsaneyd.

Colin oo sharaxayay qaabkii loo afduubtay ayaa sheegay in lagu amray in ay ka soo degaan gaariga xili ay isku arkeen qolada hageysa buur hoosteeda ka hor inta aan maalmo badan aysan lugayn afduubashadiisa kadib

Laba maalmood kadib oo socod dheer ah kadib Colin iyo Saaxiibkiis Jose waxaa lagu wareejiyay nin magaciisa lagu sheegay Yusuf, waxaana  Colin lagu qasbay inuu taleefoon u diro UK isagoo qori madaxa looga haayo iyadoo burcadbadeeddu ay dalbadeen lacag dhan 3-milyan oo doollar in midkiibalaga doonayo si loo sii daayo labadan qof, waxaana si toos ah loola xiriiriyay xafiiska wargeyska The Telegraph ee London.

Si kastaba, ha ahaatee, markii dalabaadka la fulin waayay, Colin wuxuu sheegay inuu u baqay naftiisa iyo inay cabsi gelinta sii kororto.

Waxa uu yiri: “Waxa ay ahayd wax iska cad wixii markaa ka dambeeyay, in haddii arrimuhu sidii la rabay u socon waayaan, xaaladu in noqon doonto mid kasii darto markii lasoo wacay talleefanka oo xaaladu sidii la rabay noqon weyday markii aan u maleynayay inay bilaabayaan inay na jirdilaan iyo wax la mid ah, nasiib wanaag ma aysan samayn.

Ugu danbeyntii waxaa loo sheegay in la sii deyn doono balse qorshaha ayaa isbedelay kadib muran dhexdooda  ah oo dhex maray kooxda afduubka geysatay, balse xal laga gaaray.

Colin waxa uu sheegay in kooxda aduubka ku haysatay ay si fiican u quudin jirtay intii la hayay, iyagoo cuni jiray hilib ari duban oo  bariis iyo baasto la raaciyay, sidoo kale, Shaah Soomaali sonkortiisa lix qaando “Malqacad” la siin jiray aadna ugu heleen.

Colin waxa uu sheegay in afduubayaashu aysan ku hadli kareyn Ingiriisi badan, laakiin ay awoodeen inay ku wada xiriiraan  Ingiriisi dirsi ah iyo Carabi aan badneyn”maadaama Colin uu ku hadli karo xoogaa luqaddo kala duwan.

Mid ka mid ah aduubayaasha ayaa u sheegay Colin in Britain, uu ka taageero kooxda Arsenal ee uu ka tirsanaa Thierry Henry xiligaasi.

Colin ayaa si yaab leh u sheegay in mid ka mid ah budhcad-badeedda uu xataa u soo bandhigay in jecel yahay inuu kula xiriirho email ahaan marka uu wadankiisa ku laabto.

Ugu danbeyntii Colin ayaa sheegay inta badan aysan sameyn dhacdadaasi foosha xun ayna jiraan dad badan oo walaac ka qaba arrimahaasi sumcad xumida ah halka buu yiri ay jiraan dhalinyaro yar oo burcad badeednimada ay ka heleen in afduubku yahay habka keliya ee lagu gaari karo nolosha.”

Qisadaan ayaa buug logu magac daray shaydaanka iyo badda buluuga ah: Hawlgalka badbaadinta la haystayaasha dunidu illowday. kaasoo wax badan lagaga hadlay wanaag iyo xumaanba dunida ku faafay.

Waxaa turjumay: Ali Muhiyaddiin

Categories: Somalia

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Lagu Xidhay Addis Ababa

Somaliland Today - Wed, 10/11/2021 - 08:51

(SLT-Addis Ababa)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda lagu xidhay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in lix kale la soo daayay. Waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay waydiisteen in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan shaqaalahaasi.

Xadhigga howlwadeennadaas ayaa imanaya xilli fallaagada Tigray ay usoo ruqaansanayaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dhanka kale dowladda Britain ayaa muwaaddiniinteeda kula talisay inay iskaga baxaan waddanka Itoobiya.

Sidoo kalana waxa ay ku baaqday in xabbadda la joojiyo, dhinacyada dagaalka ku lugta lehna ay ogolaadaan in gargaarka la gaadhsiiyo dadka u baahan.

Categories: Somalia

Mucaaradka Itoobiya ‘Oo 40 KM U Jirsaday’ Addis Ababa Qarkana U Saaran Inay Qabsadaan

Somaliland Today - Tue, 09/11/2021 - 07:56

(SLT-Addis ababa)-Hoggaamiyaha mucaaradka Oromada ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidankiisa ay qarka u saaran yihiin magaalada caasimadda ah, ayna diyaarinayaan weerar kale, isaga oo saadaaliyey in dagaalka uu “mar dhow” soo gebo-geboobi doono.

Jaal Marroo, oo hoggaamiya ciidammada xoreynta Oromada ee OLA, ayaa uga digay raysal wasaare Abiy Ahmed in dagaal-yahanada taageersan dowladda ay soo goosanayaan, islamarkaana mucaaradka ay aad ugu dhow yihiin guul.

“Waxa aan hubo ayaa ah inay dhowaan soo dhamamaan doonto,” ayuu Jaal oo magaciisa runta ah uu yahay Kumsa Diriba u sheegay wakaaladda wararka AFP oo wareysatay.

“Waxaan diyaarineynaa inaan qaadno weerar kale. Dowladda hadda waxay isku dayeysaa oo kaliya inay hesho waqti dheeri ah, waxayna isku dayayaan inay huriyaan dagaal sokeeye, sidaas ayay ugu baaqayaan shacabka inay dagaalamaan.”

OLA iyo kooxda ay xulufada yihiin ee TPLF ayaa toddobaadyadii dhowaa sheegay guulo dhowr ah, waxayna qabsadeen magaalooyin caasimadda u jira 325 km.

Jaal ayaa sheegay in dagaal-yahanadisa ay hadda 40 km oo kaliya u jiraan Addis Ababa, islamarkaana ayna marnaba hal tallaabo dib uga laaban dhulka ay maamulaan.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashadiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa hore u diiday sheegashada mucaaradka ee ah inay masaafo dhow u jiraan Addis-Ababa, hase yeeshee waxay shacabka ugu baaqday inay magaalada difaacaan.

Jaal ayaa dhinaca kale sheegay in OLA aysan “halis ku aheyn” shacabka, balse wuxuu dalbaday in Abiy Ahmed iyo xisbigiisa Prosperity Party “gebi ahaan meesha laga saaro” si dib u heshiisiin loo billaabo.

“Waxaan Ethiopia iyo Geeska Afrika ka dhigi doonaan meel nabad ah oo degan oo lagu noolaado. Waan hubaa dagaal ma jiri doono marka taliska Abiy Ahmed uu meesha ka baxo,” ayuu yidhi.

Categories: Somalia